Dibadbaxyo looga soo horjeedo mamnuucida soo gallootiga oo ka socda Mareykanka  

2017129636212493585042922OHAREPROTESTMareykanka (estvlive) 29/01/2017

Lagasoo bilaabo shalay mudaaharaadyo looga soo horjeedo mamnuucida socdaalada dadka qaarkii ay ku tagayaan Mareykanka ayaa socda.

Doraad bayaan kasoo baxay dawlada Mareykanka ayaa looga dalbay wasiirka arimaha dibada ee dalkaa inuu kusoo afjaro barnaamijka dib u dajinta qaxootiga ee Mareykanka muddo 120 cisho ah gudaheed.

Mudadaa ayaa wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa waxaa laga doonayaa inay dib u eegis ku sameeyaan barnaamijkaa [USRAP].

Dib u eegidaa ayaa lagu xaqiijinayaa in dadka la aqbali doono inay soo galaan ee qaxootiga ah aysan Mareykanka khatar ku ahayn.

Dadyowga wadamo dhowr oo Soomaaliya, Iiraan, Yemen iyo Suuriya ay ku jiraan ayaa xaddidaad la saaray inay sahal ku yimaadaan Mareykanka.

Qaxootigii horay ugu jiray barnaamijkaa ayaa hase ahaatee laga yaabaa in loo ogolaado inay galaan Mareykanka kadib markii hannaankaa la mariyo.

Si kastaba ha ahaatee wararka aanu helayno ayaa durba sheegaya in dad qaxootinimo ku galay dalkaa lasoo celiyay ayagoo loo celiyay meelihii ay ka yimaadeen. Dad badan oo dhawaan u safri lahaa Mareykanka ayaa iyana xayiran.

Waxaa dib u eegida laga yaabaa in natiijada ka dhalata ay noqoto in hannaan kale lagu daro oo dheeraad ah barnaamijkaa si dadka lagu keenayo barnaamijkaa aysan u noqon kuwo khatar ku keena Mareykanka iyo danihiisa waa sida hadalka loo dhigaye.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lagu soo daro ahmiyado lagu kala hormarsiinayo sheegashooyinka lagu doonayo dib u dajinta Mareykanka sida takoor diin ku salaysan, ayadoo la eegayo waliba in qofka arinkaa dib u dajinta lagu siinayo uu yahay qof  haysta diin dad tiro yar ay ku dhaqmaan gudaha  wadankiisa.

Hadii ay munaasab tahay waxaa wasiirka arimaha guduhu kala tashanayaa arimahaa madaxweynaha si madaxweynuhu gacan uga geysto kala hormarinta ahmiyadaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa laga soo bilaabo markii uu xilkaa qabtay ku dhaqaaqay tillaabooyin uu ku xaddidaayo dadka Muslimiinta ah ee soo galaya Mareykanka.

Chicago Illinois ayaa bannaanbaxyo arinkaa looga soo horjeedo ay ka dhaceen gaar ahaan madhaarka O’Hare shalay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa iminka oo aanu warbixintaan qoreyno ay halkaa dibad baxyadu ka socdaan.

Dhan kale, xaakim maxkamadeed oo dawlada federaalka ah ee Mareykanka u shaqeeya ayaa xalay soo saaray amar dagdag ah oo dawlada Mareykanka ka horistaagaya inay masaafuriso dad.

Dad ayaa iyana la sheegay in biliisku xiray kadib markii Donald Trump uu soo saaray mamnuuca.

Wuxuuse xaakimku sheegay in dadka socdaalka ah ee la xiray iminka lagu xad gudbay xaquuqdooda sharciga ah.

Xaakimkaa oo ah haweeney magaceeduna yahay Ann Donnelly oo ku sugan New York ayaa amarka soo saadhay kadib markii sharci yaqaano u dooda xoriyadaha madaniga ah ay dacwad geeyeen maxkamad ayagoo u doodayay todobo dal oo Muslimiin dadkoodu yihiin kuwaasoo mamnuucida socdaalka ee Donald Trump uu asiibay.

Dad kasoo jeeda dalalkaa ayaa iminka ku xiran madhaaro ku yaalo Mareykanka.

Mamnuucida socdaalka iyo soo galidda Mareykanka ah ayaa Donald Trump uu ballan qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashadii dhawaan asaga lagu soo doortay.

Iminka ayay u eg tahay inuu ka dhabeynaayo wixii uu ballan qaaday.

 

Comments are closed