Diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha maanta la soo gabagabeynayo

201712963621246621884373716142284_275481009537521_4258499852904636479_nMuqdisho (estvlive) 29/01/2017

Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in galabta 5ta ay ku eg tahay diiwaan galinta murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha. Murashaxiinta ilaa hada la diiwaan gashay ayaa waxay tiradoodu gaareysaa dhowr iyo toban.

 

Musharixiinta iliaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Cabdiqaadir Cosoble Cali, Maxamuud Maxamed Culusow, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, C/naasir Cabdulle Maxamed, Bashiir Raagge Shiiraar, Maxamed Cali Ameeriko, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Jibriil Ibraahim Cabdulle, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee dib u doorashada doonaya Xasan Sheekh Maxamuud (the incumbent). Guddiga ayaa sheegay in wixii loo gaaro 5ta galabnimo ee maanta oo Axad ah aan la aqbali doonin in murashax kale la diiwaan gasho. Hase ahaatee inta waqtigaa aan la gaarin ayaa la filayaa in murashaxiin kale oo xilkaa doonaya inay dalka u qabtaan ay is diiwaan galiyaan. Waxaa ay aad uga yartahay tiradii murashaxiinta ah ee la filaayay tirada iminka diiwaan gashan lianna waxaa la filaayay ilaa afartan inay tiradoodu gaari doonto.

Guddiga doorashada ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in isdiwaan gelinta musharaxiintu ay u socoto si wanaagsan ilaa iyo hada islamarkaana rajo wanaagsan laga qabo in lagu soo gabagabeeyo waqtigii loogu tala galay

Comments are closed