Merkel oo cambaareysay go’aanka Trump

_93857114_fbbfe458-9de4-43c0-996f-15097d482773Jarmalka (estvlive) 29/01/2017

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa cambaareysay xannibaadaha uu madaxweynaha Mareykanka ku soo rogay qaxootiga iyo dadka ka soo jeeda waddamo gaar ah oo Muslimiin u badan.

Afhayeen u hadlay Markel oo lagu magacaabo Steffen Seibert ayaa sheegay in Markel ay rumeysan tahay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uusan qiil u noqonayn in dadka diimaha qaar si gooni ah looga shakiyo.

Duqa magaalada London Sadiiq Khaan oo ah nin Muslim ah ayaa xannibaaddaasi ku tilmaamay mid ceeb ah isla markaana aad u xun.

Waxa uu intaa ku daray in siyaasadda cusub ee Trump ay meel uga dhacday mabdi’a uu Mareykanka ku dhisan yahay oo ah xorriyad iyo dulqaad.

Amarka madaxweyne Trump ayaa si ku meelgaar ah loogu hakiyay in dalkaasi ay galaan dad qaxooti ah iyo dadka ka soo jeeda waddamada Iraan, Liibiya, Ciraaq, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Yaman

Comments are closed