Mo Farah oo dhaliilay amarka Trump

moLondon (estvlive) 29/01/2017

Orodyahanka afarta jeer billada dahabka u qaaday Britain, Sir Mo Farah, ayaa dhaliilay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Maraykanka uga mamnuucaya dadka asal ahaan kasoo jeedda todobo dal oo Muslim ah.

Mo Farah ayaa sheegay in aanu hubin in uu ku laaban karo Maraykanka, halkaasi oo muddo lixa sano ah ay xaas iyo carruur u degan yihiin gobolka Oregon ee dalkaasi.

“Waxaan aad uga xumahay in aan carruurteyda u sheego in aabahood ay suuragal tahay in uu u tegi waayo,” ayuu yiri Mo Farah oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu ku tilmaamay siyaasadda Trump mid khaldan oo naceyb abuureysa.

Amarka Trump ayaa muddo 90 maalmood ah Maraykanka ka mamnuucay muwaadhiniinta dalalka Iran, Ciraq, Liibiya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya iyo Yemen.

Xannibaadaasi ayaa sidoo kale saamayneysa dadka asal ahaan kasoo jeeda dalalkaasi, isla markaana haysta baasaboor dal labaad.

Mo Faarax oo ku guuleystay 10-ka kun ee mitir

La taliyayaasha Mo Farah ayaa isku dayaya in ay mas’uuliyiinta Maraykanka ka ogaadaan in uu ku jiro dadka aan loo ogolayn gelitaanka dalkaasi.

Orodyahankan ayaa hadda ku tababaranaya dalka Itoobiya

xigasho bbcsomli

Comments are closed