Shan dhalinyaro ah oo labo gabdhood ku kufsatay Goldogob oo xukun lagu riday

2017129636212637864434966goldogoGoldogob (estvlive) 29/01/2017

Shan Dhalinyaro ah oo dhamaadkii sanadkii hore labo Gabdhood ku kufsaday Degmada Galdogob kadibna mid ka mid ah gabdhaha ka duubay Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa maanta xukun lagu riday.

 

Xukunkan oo ay rideen Culimada waxaa Goobjoog ka ahaa Ma’uuliyiinn ka socotay Puntland, Ehellada wiilasha iyo Qaar ka mid ah Dadka deegaanka,waxaana xukunka kadib Dowlada Puntland ku fulisay Dhalinyaradii Jeedalkii lagu xukumay [Karbaash], siddoo kale waxaa xukunka qeyb ka ah xarig iyo ganaax lacageed.

Mid kamid ah dhalinyarada lagu soo eedeeyay in uu ku lug lahaa kufsigan ayaa lagu waayay wax danbi ah sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ,inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu ka baxsaday gacanta ciidanka.

1:-Shirwac Jaamaca Junle waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah,10 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan “$4620 Dollar 2:-Yaasir Maahir Xaashi waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 8 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan “$3520 Dollar.

3:-Ayaanle Wale Waxaa lagu xukumay 100 jedal ah, 7 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan $2560 Dollar 4 :- Yaxye Awkax,Waxaa lagu xukumay 100 jedel ah, 6 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar.

gal5:-C/risaaq Xoosh Jabriil,100 jedel ah,5 sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar. Sidoo kale,taliyaha Booliska Puntland Jen. Erag ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaradii la xukmay in ay u soo qaadeen Magaalada Garoowe si ay ugu bilaabtoi xabsiga lagu xukumay. Ugu Danbaytii, dhacdooyinka kufsiga ah ayaa Bilihii danbe ahaa kuwo ku soo noq noqday deegaannada Puntand ,iyadoo wasaarada Haweenka Puntland ay diyaarisay Xeerka Kufsiga Gabdhaha ayna ansixiyeen Baarlmaanka Puntland ,kaasoo aanan waxba ka badalin kiisaska kufsiga Gabdhaha ilaa iyo hadda

Comments are closed