Shir madaxeedkii 28aad ee midowga Africa oo dhacaya 30ka bishaan

20171296362125158563762112017129636212469475670484aubuildingAddisababa (estvlive) 29/01/2017

 

Maalinta beri ah oo ku beegan 30ka bishaan ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa Itoobiya ka bilowdo shir madaxeedka midowga Afrika ee 28aad.

Shirkaa madaxeed ee 28aad ayaa ah mid caadi ah waxaana ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dalalka qaaradaan Afrika. Shirkaa ayaa ka dhacaya xarunta ururka midowga Afrika.

Shirkaa ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inay kasoo qeybgalaan madax kale oo heer caalami ah.

Madaxdaa oo shalayba qaarkood ay tageen Addis ayaa waxaa ku jira madaxweyne ku-xigeenka Cuba Salvador Mesa.

Waxaa isna goor dhow la filayaa inuu Addis gaaro xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres. Asna waxaa la filayaa inuu yimaado madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas -Abu Mazen. 

Madaxweyneyaasha dalalka Afrika ayaa shirkaan ku dooran doona qof guddoomiye cusub u noqda ururka midowga Afrika.

 

Comments are closed