Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay

wfp02Jigjiga (estvlive0 29/01/2017

Xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya xafiisyada bahwadaagta ah iyo Ha’ayada caalamiga ah sida ha’ayada WFP ayaa deeq raashin ah oo dhan 10 gaadhi gaadhsiiyay gobolada ay abaartu saamaysay Jarar, Doolo, Iyo Qoraxey.

 

wfp03Hadaba Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in deeqdan oo ay islakaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo Ha’ayada WFP ay gaadhsiinayaan schoolada gobolada ay abaartu saamaysay islamarkaana loogu talagalay si ayna schooladu uxidhmin una yarayso drop outka ardayda, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in xafiisku uu kaalintiisa dadaal oogu jiro siduu wax ooga qaban lahaa gobolada ay saamaysay abaarta ay keentay isbadalka cimiladu.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku xusay in raashinkan ay wadaan agaasino kamid ah xafiiska waxbarashada DDSI si loo geeyo goobihii loogu talagalay.

Comments are closed