Xassan Sheekh’’ Waxaan ballan-qaaday in aan u hogaansamayo nidaamka doorashada  

xasanMuqdisho (estvlive) 29/01/2017

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha dowlada Soomaaliya, ayaa sheegay in uu u hogaasamayo nidaamka doorashada.

 

Xassan Sheekh Max’uud oo maalintii shalay tagay xarunta Villa Hargeysa islamarkana isku diiwaangaliyay ka qeyb-galka doorashada xilka madaxweynaya, ayaa sheegay in gudiga doorashada u sheegay in uu u hogaasamayo nidaamka doorashada. ‘’Waan is diiwaangaliyay shahaadadii diiwaangalintana waan qaatay, gudiga waan la hadlay waxaa u cadeeyay in aan nidaamka doorashooyinka ilaalinayo oo aan u hogaasamayo shaqada ay hayaan gudiga’’ ayuu yiri Xassan Sheekh Max’uud.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili doorashada xilka madaxweynaha isku diiwaangaliyeen ilaa 15 musharax oo dhamaantood ka qeyb-gallaya doorashada, waxaana muuqata in musharixiinta qaarkood leeyihiin is baheysiyo hoose oo marka ugu danbeysa doorashada laga yaabo in ay codadkooda isku biiriyaan. ‘’Doorashada waxaan uga qeybgali doonaa si daah furan oo xalaal ah, waxaana ballanqadayaan in aan aqbalayo natiijo kasta oo ka baxda doorashada’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa warbaahinta u sheegay in doorashada loo baahan yahay in ay noqoto mid u dhacda si xor iyo xalaal ah, isaga oo intaa ku darran in aysan aqbali doonin natiijo kasta aan wafaqsaneyn nidaamka doorashada ama ku dhisan musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Comments are closed