Jawaari oo Magacaabay Guddiga Anshaxa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

jawaariMuqdisho (estvlive) 30/01/2017

Guddoomiyaha Barlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Magaalada muqdisho kaga dhawaaqay  guddi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqaynaya Ilaalinta anshaxa iyo asluub-wanaagga iyo  Bedqabka  geedi socodla doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.

Warsaxafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Barlamaanka waxaa sharaxaad lagaga bixiyay shaqooyinka iyo waajibaadka guddiga, waxaana ujeedada loo dhisay guddiga lagu sheegay in looga gol leeyahay in barlamaanka,murashixiinta tartamaya iyo dadweynaha Soomaaliyeed hubiyaan habsami u socodka, daahfurnaanta iyo bedqabka geedisocodka doorashadda.

 

“ Guddigan wuxuu u xilqaaman yahay lana xisaabtamaya barlamaanka Federaalka,  wuxuu iskaashi howleed la yeelanaya guddiga BDF u xilsaaran Doorashada Madaxweynaha JFS, wuxuuna u hoggaansamaya kuna shaqyanaha tilmaamaha  labada guddoomiye ee Barlamaanka Federaalka iyo kuxigeennadooda” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka .

Guddigu wuxuu kaloo u kuurgali doonaa habraaca iyo dhammaan hawlgalada  la xiriira hirgalinta doorashada madaxweynha iyo sidoo wargalinta guddoonka barlamaanka wixii khilaafsan xeer-hoosaadka ama nidaamxumo u keeni kara bedqabka geeddisocodka

  1. Faaduma Qaasim Tayeb
  2. Prof. Cabdi Axmed Maxamed (Baffo)
  3. Shamsa Ibrahim Boolis
  4. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.
  5. Rooble Axmed Daahir
  6. Faadumo Jaamac  Jibril
  7. Prof. Mahad Maxamed sh. Xasan
  8. Aadan Xasan Cabdi
  9. Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Gabagabadii, Magacaabista guddigan anshaxa doorashada  ee maanta ayaa ku soo aadaysa, iyadoo murashixiinta qaarkood ay dalbadeen in laga saaro xubnaha Gudddiga doorashada Madaxweynaha Xildhibaan Fartaag oo si bareer ah u taageeray murashaxa madaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud xaflad xalay ka dhacday Hotel SYL ee Magaaladda Muqdisho.

Comments are closed