Kulan Ku Saabsan Nidaamka Horumarinta Khayraadka Xoolaha Oo Ka Furmay jigjiga.

guuleed aw caliJigjiga (estvlive) 30/01/2017

Kulan wadatashiya oo ku saabsan nidaamka casriyaynta iyo kor u qaadida ka faa’iidaysiga  khayraadka xoolaha ayaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka huteelka xamda.

 

Kulankaasi oo  ay siwada jir ah u soo diyaariyeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo jaamacada jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta machadka cimibaadhista DDSI, masuuliyiin ka socday xarunta cilmibaadhista JDFI, masuuliyiin ka socday xafiisyada xoolaha bariga itoobiya oo uu ka mid yahay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga DDSI, masuuliyiin iyo khabiiro ka socday jaamacadaha ku yaala bariga itoobiya oo ay ka mid tahay jaamacada jigjiga.

ddsiKulankaasi ayaa waxaa furay maareeyaha machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo sheegay in kulankani yahay mid lagu qorfaynayo jihooyinka iyo khariiradaha casriga ah ee lagu horumarinayo khayraadka xoolaha gaar ahaan ka faa’iidaysiga hilibka/cadka xoolaha itoobiya. Maareeyaha ayaa sheegay in deegaanada xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya gaar ahaan deegaanka somalida itoobiya uu hodan ku yahay khayraadka xoolaha islamarkaana aan sanadihii hore laga faa’iidaysan khayraadka xoolaha balse sanadihii ugu danbeeyay la dajiyay jihooyin lagaga faa’iidaysanayo khayraadka xoolaha kulankana yahay mid lagu xoojinayo hirgalinta iyo ka midho dhalinta ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaha.

 

Masuuliyiinta iyo khabiiradii ka socday xarunta cilmibaadhista JDFI ayaa ku soo bandhigay kulankaasi daraasaad  lagu sameeyay sidii loo hirgalinlahaa jihooyinka iyo khariiradaha ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaha gaar ahaan hilibka/cadka xoolaha taasi oo salka ku haysa xoojinta iyo abuuritaanka warshadaha yar yar iyo kuwa waawayn ee  hilibka xoolaha si cadka xoolaha loogu dhoofiya wadanka dibadiisa.

Comments are closed