Paris: Benoît Hamon oo noqonaya Musharaxa Madaxweynaha Faransiiska ee Xisbiga Socialist Party

faracParis (estvlive) 30/01/2017

Benoît Hamon ayaa ku guuleystey doorashadii Xisbiga Hanti-wadaaga ee Socialist Party ee Faransiisku ay ku dooranayeen Musharaxa u tartamaya doorashada Madaxweynaha ee bisha Abril ee sanakdan 2017.

 

Benoît Hamon ayaa ka guuleystey Manuel Vallas oo horey u ahaa Raysalwasaaraha Faransiiska xilkaasna iska casiley dhawaan si uu ugu tartamo musharaxnimada Madaxweynaha ee xibigiisa.

Hamon oo ah nin ku fog afkaarta Xisbigiisa ee Hanti-wadaaga ku dhisan ayaa helay 60% codadka la dhiibtey halka ninka la tartamaayey wareega labaad ee Valls uu helay 40%.

Doorashada Madaxweynaha ee Faranmsiiska ayaa inta badan marta laba wareeg waxaana wareega u danbeeya isku arki doona laba kamid ah Muharixiinta Xisbiga cunsiriga ah ee NF haweeneyda la yiraahdo Marine Le Pen, Xisbiga Jamhuuriga ee uu musharaxa u yahay Farancois Fillon iyo Xisbiga hantiwadaaga ee hadda doortey Hamon.

Comments are closed