Wasiirka arrimaha dibedda Chad oo loo doortay guddoomiyaha midowga Africa

2017130636213716685793725mooseAddisababa (estvlive) 30/01/2017

Moussa Faki Mohamat, wasiirkii arrimaha dibadda Chad ayaa ku guulaystay in uu noqdo guddoomiyaha guddiga midowga Africa,kadib markii uu tartan adag dhex maray asaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Amina Maxamed.

Kadib todobo wareeg oo la maray ayuu ku soo baxay Diblumaasiga, asaga oo haatan noqonaya guddoomiyaha guddiga midowga Africa ee rasmiga ah.

Waxaa uu helay Mr. Moussa 38 Cod, halka ay Amina heshay 26 cod doorasho maanta oo Isniin ah ka dhacday Addis-Ababa, Ethiopia.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada midowga Afric waxaana shirkaan uga qayb-galayay sii hayaha xilka madaxwynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uudiyo wafdi uu hoggaaminayo.

Ugu danbeyntii, wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Aamino Max’ed ayaa dadaal xoog leh u gashay sidii ay xilka ugu guuleysan laheyd, laakiin ugu danbeyntii waa ay lumisay, kadib markii ku soo baxay xilka wasiirka arimaha dibada Chad.

 

Comments are closed