Xoolo dhaqatada degmada Gaarisa qaarkood oo u hayaamay degmada Lamu

ukGaarisa (estvlive) 30/01/2016

Abaarta darteed ayaa xoolo dhaqatada degmada Gaarisa ay qaarkood bilaabeen inay u hayaamaan degmada Lamu ee gobolka xeebta Kenya.

Xoolaleydaas ayaa xoolahooda ula guuray degmooyinka la jaarka ah Gaarisa ee Tana River iyo Lamu ayagoo biyo iyo baad doon ah.

 

 

Xoolaha keynaanka loo galiyay min Gaarisa ilaa Lamu ayaa isugu jira ari, geel iyo lo’. Dabcan ari cad iyo ido. Saddexda nimcooleyna waxaa dheer dameero.

‘Baadkii ayaa ka dhammaaday dhammaan daafaha dalka. Xoolihii ayaa naga le’anaya anaguna macaluul ayaan qarka u saaran nahay’. Sidaa waxaa yiri C/Laahi Maxamed oo xoolo dhaqatada kujira kana soo jeeda deegaanka Lagdheera ee degmada Gaarisa.

Dadka ayaa gaajo la il daran iyana haba u darnaadeen dumarka iyo caruurtuye.

Dalalka Kenya iyo Soomaaliya iyo weliba Itoobiya ayaa haatan waxaa ka jirta abaar ba’an oo dad iyo duunyaba halakeysay.
Nairobi Kenya shalay waxaa laga tukaday salaad roob doon ah galinkii hore. Galinkii dambe ayaa magaalada caasimada ah oo in dhawaale uusan roob ka hoorin waxaa ka da’ay xays yar oo roob ah kaasoo lagu qabowsaday.

Shalay sidoo kale waxaa roob uu ka hooray dagaanka Kilgoris ee Kenya ayadoo Alle Muslimiintu uga mahad naqeen ducada ood moodo in laga aqbalay

 

Comments are closed