Deeqdii Raashinka Ahayd Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadhay Degmada Gaashaamo

gaashaamoGaashaamo (estvlive) 31/01/2017

Sidaad wararkaanagii hore kula socoteen deeqdii raashinka ahayd ee uu xafiiska waxbarashada oo kaashanaya ,xafiisyada bahwadaagta la ah iyo ha’ayadaha caalamiga  gaadhsiinayeen qaarkamid ah gobolada deegaanka ee ay saamaysay abaarta ay isbadalka cimiladu keentay ayaa gaadhay degmada gaashaamo ee gobolka jarar.

 

Hadaba deeqdan raashinka ah oo ay wadeen agaasinka taageerada Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha xafiiska waxbarashada DDSImudane Faysal Cabdinuur iyo agaasinka EMIS xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdiraxmaan Axmed Raabi ayaa sheegay inay deeqdan raashinka ee ay soo gaadhsiyeen degmooyinka gobolka jarar loogu talagalay schoolada degmooyinka ay abaartu saamaysay islamarkaana laga duulayo si ayna uxidhmin schoolada ardayduna usamaynin loox tuur dhanka waxbarashada ah, Waxayna agaasimayaashu intaa ku dareen inay gaashaamo ugasii gudbi doonaan degmooyin kamid ah gobolada qoraxey iyo doolo.

Comments are closed