RW Itoobiya Hailemariam Kulan La Yeeshay Al-Sisi & Al- Bashir

Screenshot_20170131-130446Addisababa  (estvlive) 31/01/2017

Dalka Itoobiya iyo masar ayaa xiriirka labada dal ayaa mugdi ku jiray kadib markii ay masar cadey satay in ay taageertay koox mucaarad ku ah dalka itoobiya.

Haddaba maanta ayaa waxaa kulan wada yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah Al-Sisi.

Waxeyna kawada hadleen sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka labada dal Madaxweynaha Dalka masar Abdel Fattah Al-Sisi. Ayaa wuxuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, in uu booqasho saaxiibtinimo ah dalka Masar ku soo gaadho sifa ay uga wada shaqeeyaan xiriirka labada dal, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa ka aqbalay casuumada

Screenshot_20170131-130504Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweynaha Dalka Suudaan Omar Al- Bashir waxeyna kawada hadleen sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka maalgashiga labada dal Itoobiya iyo Suudaan.

Comments are closed