Shirkii Qiimaynta Waxbarashada Heer Qaran Oo Ka Furmay Dase.

ddrDase (estvlive) 31/01/2017

Shirkii qiimaynta waxqabadka waxbarashada Dalkeena itoobiya  ee 6dii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2009TI  ayaa maanta ka furmay magaalada Dase oo ka mid ah magaalooyinka  dawlad deegaanka  Ahmaarada

 

Shirkan qiimaynta ah, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa  Wasaarada waxbarashada JDFI, oo uu ka mid yahay wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Dr shiferaw T/Mariam, Wasiiro, Wasiir ku xigeeno, Gadhwadeeno, Khabiiro ka kala socday xafiisyada waxbarashada Sagaalka Dawlad Deegaaneed iyo Labada Ismaamul Maagaalo ee dalka.

Shirkaasi ayaa waxaa  hogaaminayay  wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Dr Shiferaw T/mariam iyo wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada dalka mudane mudane Dr Tiyale Getu. shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo waxqabadkii xafiisyada waxbarashada dalka ee 6dii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxa DDSI uga qayb-galay masuuliyiin ka socday xafiiska waxbarashada DDSI oo uu ka mid yahay wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur( Heeryo). Iyada oo mudada uu socdo shirkani lagu soo bandhigi doono dhagaysiga warbixinada waxqabadka xafisyada waxbarashada deegaanada dalka iyo labada ismaamul magaalo ee dalkeena itoobiya.

Comments are closed