Trump oo shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud oo ka soo horjeeday

Screenshot_20170131-123643Mareykanka  (estvlive) 31/01/2017

Donald Trump ayaa shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka , ka dib markii ay su’aal galisay sharcinimada mamnuucitaanka qaxootiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in Yates “ay khayaantay” waaxda cadaaladda

Sally Yates, oo madaxweynihii hore si kumeelgaar ah ugu magacaabay in ay noqoto ku simaha xeer ilaaliyaha guud, ayaa sheegtay in aanay ku qanacsaneyn in amarka Trump ee uu ku mamnuucaya dadka ka yimaada todobo dal oo Muslim ah, uu yahay mid sharciga waafaqsan.

Warqad ay u dirtay qareennada wasaaradda cadaaladda Maraykanka, isla markaana lagu daabacay warbaahinta, ayay ku sheegtay in amarka Trump la horgeeyay maxkamado heerar kala duwan leh.

Madaxweyne Trump ayaa awood u leh xilka qaadista uu ku sameeyay Sally Yates, waxaana uu sugayaa in aqalka Senate uu u ansixiyo Jeff Sessions, oo uu jagadaasi u magacaabay.

Xubno sare oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka qeybgalay dibed bax ka dhacay bannaanka maxkamadda ugu saraysa Maraykanka, mudaharaadkaasi oo lagu diidanaa amarka Trump.

Haweeneyda caanka ah ee ka tirsan Senate-ka, Dianne Feinstein, ayaa sheegtay in amarka Trump uu meel ka dhac ku yahay qiyamka Maraykanka.

Sidoo kale tiro diblomaasiyiin Maraykan ah ayaa diyaariyay warqad ay ku cambaareynayaan amarkaasi, kaasoo ay sheegeen in aanu ammaan u horseedi doonin dalka.

Diblomaasi Maraykan ah ayaa BBC u sheegay in boqolaal shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda ah ay warqadaasi saxiixeen.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa sheegay in laga badbadiyay dhaliisha ku aaddan amarka uu madaxweynaha Maraykanka ku mamnuucayay qaar ka mid ah dadka soo gala dalkaasi.

Madaxweynihii hore, Barack Obama, ayaa taageeray dadka mudaharaadaya ee diidan ammarka Trump, asagoo sheegay sheegay in uu si weyn u khilaafsan yahay in dadka loo takooro diinta ay aaminsan yihiin.

Comments are closed