DAAWO Murran weli ka taagan Doodii Telefishinka ee Murashaxiinta Madaxweyne – VIDEO

Bayle-Guddi-740x493Muqdisho (estvlive) 01/02/2017

Waxaa weli la xalin murran ka dhashay doodii Murashaxiinta Madaxweynaha ee maalinimadii shalay la baajiyey.

Dooda ayaa u baaqatay sadex arrimood oo kala ahaa, in murashaxiinta ku qanci waayeen;

 

1- In Telefishinka dowlada SNTV oo kaliya uu noqdo mid ka baahiya dooda.
2- In dooda aan si toos ah (Live) loo siideyn
3- In Guddiga Doorashada uu gebi ahaan baajiyey doodaasi.

Murashaxiinta intooda badan ayaa isu diyaariyey inay dooda ka qeyb galaan, marka laga reebo Madaxweyne Xassan Shiikh oo isagu u dhoofay dalka Itoobiya.

Waxayna murashaxiinta weli codsanayaan in dooda la qabto intaan doorashada la gaarin iyadoo loo fasaxayo dhamaan warbaahinta inay si toos ah u baahiyaan, waxayna sheegeen in guddiga uusan joojin karin qodob ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.


Horseed Media

Comments are closed