DAAWO RW. Cumar “ Qaar ka mid ah Wadamada Dariska Ayaa Faragalin Ku Haya hanaanka Doorasho ee Dalka-Video

cumerMuqdisho (estvlive) 01/02/2017

Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ahna murashax u taagan xilka mataxtinimada Soomaaliya ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay hoygiisa Muqdisho ku soo bandhigay qorshayaashiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu doonaya inuu ka qabto wadanka xilligaan soo socda.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka horeysa ka hadlay Abaaraha ba’an ee dalka ka jira, wuxuuna ku nuux nuuxsady in ay socdaan dadaalo badan oo heer dowladeed, heer gobol iyo heer caalami ah oo looga jawabayo dhibaatooyinka abaaraha oo hada saameeyey dhamana gobolada dalka, sidoo kale golaha wasiiradu ay go’aamiyeen in lacagaha ku jira khasnada dowlada intooda badan lagu bixiyo wax ka qabashada abaaraha.

 

Raysal Wasaaraha ahna musharaxa madaxweynanimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadamada dariska ah qaarkood ay ku hayaan faragalin hanaanka doorasho ee dalka, iyagoona culaysyo ku saaraya maamulada qaarkood in ay taageeran musharax ay iyagu wataan

“Waxaa jira culaysyo isa soo taraya oo ka imanaya wadamada dariska ah qaarkood, iyagoo olole ugu jira musharax gooni ah, arinkaasina wax weyn kama badali karo niyada iyo rabitaanka xildhibaanada oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed. Dalku waa mid madax banaan islamarkaana doorashooyinka dhacaya waxaa go’aankooda iska leh Soomaalida” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kale xusay in aysan marna aqbalayn in faragalin cad logu sameeyo hanaanka doorasho  isla markaan dadka Soomaaliyeed ay u madax banaan yihiin cidii ay dooran lahaayeen

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa saxaafada sharaxaad dheer ka siiyey macanaha uu ku fadhiyo halku dhigiisa olalaha doorashada ee ah Xasilooni Siyaasadeed, taas oo huwan macno mug leh oo u baahan faham daqiiq ah.

 “Sidaad ka war qabtaan xasilooni siyaasadeed waa hal ku dhigayga doorashada, waana mid qeexaya habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay ku gaari karto hanashada dowladnimo buuxda, Xasilooni siyaasadeed waa hanaan qeexayaa in qaranimadu tahay wax ka dhexeeya dhamaan shacabka Soomaaliyeed, kuna dhisanta is tix gelin iyo is qadarin is aamin ku timaada oo dhex marta bulshadaas. Dadka Soomaaliyeed waxaa kala kaxeeyey qabyaalad iyo dagaalo sokeeye, waxaana markasta shaki badan ka yimaadaa hogaanka dalka oo laga baqo inuu la yimaado eex qabiil oo horseedi karta in uu dhaco aargudasho qabiil. Xasilooni siyaasadeed waxay daawo u tahay in talada dalka la wada yeesho lana muujiyo in dhamaan umadda Soomaaliyeed loo cadaalad falo”

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri “Xisilooni siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo waxay wax weyn ka qabanaysaa, dhismaha hay’addaha dawliga, dhisida ciidanka qaranka iyo kawada shaqaynta amaanka guud ee dalka. Xasilooni siyaasadeed waxay horseedaysaa in la mideeyo dhaqaalaha dalka, oo hadda aad moodo in qolo walba goonideeda u qaado canshuur, taasoo meesha ka saartay taladii guud ee horumarka dhaqaalaha qaran, taasoo yaraysay adeegyada bulshada loo fidiyo ee dhinaca maamulka ka imaan lahayd”

“Xasilooni siyaasadeed waxay furo u tahay dib u heshiisiin waarta oo umadda dhex marta, waxayna horseedaysaa in la abuuro wada shaqayn guud oo ka dhaxaysa hay’adaha dowladda, iyadoo meesha ka saaraysaa in dalku yeesho halkii sanaba xukuumad cusub oo markasta ka soo bilowda meel aysan waxba jirin”

Ugu danbayntii  Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in hannaanka doorashada dalka ee ay ku timid dibu dhacyo badani balse hada marxaladii ugu danabysay la marayo, maanta dalka u dhisan yahay labadii aqal oo wakiilka ka ahaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa dalka dib u dhac ku yimid hanaanka doorashada oo ahaa in dalka la gaarisiyo hal qof iyo hal cod oo qorshuhu ahaa sanadkii tegey in wadanka laga qabto, nasiib wanaag waxaan dajinay siyaasad loo dhan yahay oo lagu qeexayo habka ugu macquulsan oo doorasho ka duwan tii 2012, waxaana dib ugu celinay kuraasta baarlamaanka deeganadii ay ka soo jeedeen tartamayaashu. Maanta waxaa noo dhisan labadii aqal oo asaaska u ahaa qaranimadeena”.

Comments are closed