Kuliyada TVET ka Ee Qabridahar iyo Tababartayaal Cusub Oo lagu Soo Xareeyay

16521799_1888178521459856_1764128596_nQabridahare (estvlive) 01/02/2017

Xubno laga soo kalaxulay qaar kamid ah degmooyinka iyo maamul magaalooyinka Deegaanka islamarkaana loogu talagalay in ay bartaan xirfado kaladuwan iyagoo ku xaroonaya kuliyada tababarada xirfadaha iyo farasamooyinka gacanta ee magaalada qabridahar ayaa loo qabatay shir wacyigalin ah(Orientation).

 

16443506_1888178204793221_1225073064_nHadaba shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta DDSI mudane Naasir Xasan oo sheegay in shirkani yahay mid wacyigalin ah islamarkaana ay isugu yimaadeen xubno tiradoodu dhantahay 600 oo xubnood islamarkaana laga soo kalaxulay qaar kamid ah degmooyinka. Wuxuuna intaa kudaray in ka dal ahaan iyo kadeegaan ahaanba xooga lasaaray sidii loo abuuri lahaa xirfadlayaal kaladuwan oo leh aqoon ay wakhtigaaban bartaan una shaqaystaan abidkood. Isagoo xusay in shaqo abuurka xooga lasaaray iyadoo xubnahan meesha isagu yimidna ay baran doonaan xirfadaha kala ah xunto karinta, dhismaha kaladuwan, Furniture ka iyo waliba electriga,

Sidookale, waxaa iyana dhankooda kahadlay gudoomiyaha gobolka qoraxay mudane yuusuf aadan yuusuf iyo kusimaha maareeyaha kuliyada Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada gacanta ee magaaada qabridahar mudane cabdirashid Maxamed Cismaan oo sheegay in xukuumadu ay ku bixisay dadaal balaadhan dhanka shaqo abuurka islamarkaana hada kahor lacag lagu baran jiray in qofku xirfad barto hadana ay bilaashtahay. Waxayna tilmaameen in fursadan qaaliga ah ee lasiiyay xubnahan ay kafaaiidaystaan sifiicana wax ubartaan si looga qalin jabiyo saboolnimada.

Ugudanbayna xubnihii kasooqaybgalay oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin fursadan lasiiyay islamarkaana ay umahadcelinayaan xukuumada DDSI iyo XDSHSI. Waxayna carabka kudhufteen in ay si kagonaansho leh wax ubaranayaan.

Comments are closed