Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Dakhliga DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii 6dii bilood ee Wakaalada Dakhliga DDSI.

0000aach3Jigjiga (estvlive) 01/02/2017

Maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan oo xafiiskiisa ugu waramayay shabakada wararka ee CakaaraNews ayaa ka warbixiyay waxqabadkii wakaalada Dakhliga DDSI ee 6dii bilood  ee sanad miisaaniyeedka 2009TI.

 

Maareeyaha ayaa sheegay Talaabooyinka  horumarka ah ee ka taaabo galay DDSI uu  yahay mid salka ku haysa  kor u qaadida iyo wanaajinta nidaamka dakhliga DDSI isaga oo tilmaamay maareeyuhu in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto ka midho dhalinta istaraatajiyadaha, jihooyinka, tiirarka  iyo yoolasha u dajisan deegaanka iyo dalka ee   uu wadanku kaga mid noqonayo  wadamada dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay kuwa ugu horeeya taasina ay lafdhabar  u tahay  kor u qaadida ilaha dakhliga deegaanka.

maareeyaha ayaa ka warbixiyay qorshihii u dajisnaa wakaalada dakhliga DDSI ee 6dii bilood ee sanadkan in sidii loogu talagalay loo fuliyay   iyada oo wakaalada dakhliga DDSI  ka duulaysa xoojinta iyo abuuridashaqo natiijo keenta  oo ka hufan musuq taasi oo dhiira galisa in cashuur bixiyayaashu rabitaankooda xili-cashuureed ku bixiyaan dakhliga ku waajibay iyo  in sare loo qaado muga cashuur ururinta deegaanka si bulshada looga faaiideeyo barnaamijyada horumarinta. maareeyaha ayaa tibaaxay in 6dii bilood ee la soo dhaafay iyada oo laga duulaya daboolida qorshihii  dakhliga DDSI ay  degmooyinka deegaanka, maamulada magaalooyinka, iyo heer deegaanka  sidii loogu talagalay u  soo xereeyay dakhligii qorshaysnaa 6dii bilood.

Ugu danbayntii maareeyaha ayaa ka  warbixiyay xuska todobaadka dakhliga Dalkeena itoobiya oo ay sanadkan martigalisayso xukuumada DDSI islamarkaana wakhti dhaw lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga taasi oo ay wakaalada DDSI oo kaashanaysa xafiisyada ay baw-wadaagta yihiin diyaar-garow ugu jirto martigalinta xuskan todobaadka dakhliga oo ah xus  sanad leh ah oo lagu xuso sanadba deegaan ka mid ah deegaanada dalka

Comments are closed