Qaramada Midoobay oo Garoowe Kaga Dhawaaqday 35 Milyan oo Dollar oo Loogu Talagalay Abaaraha

5Garoowe (estvlive) 01/02/2017

Peter De Clracq  oo ah ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay 35 Milyan oo Dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka soomaaliyeed ee Abaaruhu Saameeyeen.

De Clarcq oo  socdaalkiisa Garoowe ay ku weheliyeen madaxda laamaha xafiisyada qaramada midoobey ee Dawladda Puntland, ayaa Caasimadda Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kulankooda ka dibna, shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta  madaxtooyada, ayaa madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay ka wada wadahadleen   abaaraha baaxadale ee ka jira Puntland,  iyo sida deg deg ah ee  loogu baahan  yahay in lagu tageero dadweynaha wax kasta oo ay kaga bixi karaan abaarta dad iyo duunyaba wax yeelaysay.

 

” weftga waan uga waranay xaalada abaareed ee dalka ka kajirta iyo wixii aanu ku soo aragnay degaanadii aanu kormeerka ku tagnay, sidoo kale wan uga waranay in sidii larabay ama ay ahaydba in beesha caalamku arintaa uga jawaabto madaama aanu ka hadalay wakhti hore abaarta ka jirta Puntland” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay

“dhankooda iyana waa ay garaabeen laftoodu maadaama ay iyana ku xidhan yihiin wadamada deeqda bixiya, hadana wixii ay hayaan oo suurtogala waan ka rajaynaynaa inay lasoo gaaraan dadka abaartu samaay ha ahaadeen kuwa ku soo hamaamay Puntland iyo kuwa reer Puntland-ba” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Gabagabadii, Lacagta ay ku yaboohday  Qaramada Midoobay  oo loogu talagalay guud ahaan Soomaaliya, ayaa Peter De Clracq  wuxuu xusay in Dawladda Puntland muhiimad gaara ay siindoonaan maadaama ay tahay meesha keliya ee ay ku soo haayaameen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed, ku waas oo ka kala yimi waqooyiga, galbeedka  iyo koonfurta Soomaaliya.

Comments are closed