Sacuudiga oo taageeray go’aankii Donald Trump ee xayirada socdaalka

201721636215260181787409sacuudigaSacuudiga (estvlive) 01/02/2017

Wasiirka shidaalka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqortooyadu ay si dhaw ula shaqayn doonto maamulka cusub ee Maraykanka, wuxuunaTrump ku amaanay taageerada uu u muujiyay isticmaalka gaaska dabiiciga ah ee dhulka laga soo saaro.

Khalid al-Falih ayaa BBC-da u sheegay in aysan xaqiiqo ku salaysnayn siyaasaddii Barack Obama ee ahayd in la isu dheeli tiro isticmaalka shidaalka dhulka laga soo saaro iyo tamarta la cusboonaysiin karo ee laga dhaliyo waxyaabo ay ka mid yihiin cadceedda iyo hawada.

Obama ayaa horay u sheegay in tamarta la cusboonaysiin karo ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha Maraykanka iyo kan Sacudigaba.

Khalid aya dhinaca kale difaacay xayiraadii socdaalka ee Donald Trump isaga oo sheegay in dal walba uu xaq u leeyahay ciribtirka halista dadkiisa haysata.

Wasiirku wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in labada dal oo wada jira ay ka hortagi karaan caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

 

Comments are closed