Xildhibaan Fartaag oo iska casiley guddiga doorashada Madaxweynaha

fartaagMuqdisho (estvlive) 01/02/2017

Xildhibaan Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka sare ee jamhuuriyadda ayaa maanta ku dhawaaqey in uu iska casiley xubinimadii guddiga doorashada iyo ku xigeenka guddoomiyaha guddiga doorashada.

 

Xildhibaan Fartaag ayaa ka qayb-galay xaflad ololaha doorashada ee Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu kamid ahaa kuwii khduabdda jeediyey si cod dheer ahna ku sheegay in codkiisa uu siin doono Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaar kamid ah Musharixiinta ayaa sheegay in Xil. Fartaag uu ku xadgudbey anshaxa doorashada maadaama uu ka qayb-galay ol-olaha doorashada mid kamid ah Musharixiinta, sidaas darteed ay dalbanayaan in uu iskiis isu casilo haddii kale guddiga doorashadu casilo.

Fartaag ayaa sheegay si guddiga doorashada loogu kalsoonaado dartood in uu isu casiley.

Comments are closed