DAAWO USA: Baarlamaanka oo ansixiyey Xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibada – VIDEO

rex-tillerson-1-740x492Mareykanka (estvlive) 02/02/2017

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa xalay ansixiyey Xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibada oo uu magacaabay Donald Trump.

Rex Tillerson ayaa horey usoo ahaan jiray Madaxa shirkada Batroolka ee Exxonmobil, waana nin xiriir dhaw laleh Dowlada Ruushka iyo Madaxweynahooda Vladimir Putin.

 

Mr.Tillerson oo aan horey wax khibrad dhanka diblumaasiyada ah lahayn ayaa lagu wadaa inuu hago siyaasada arrimaha dibada ee Maraykanka ee afarta sano ee soo socota.

Magacaabida ninkan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeday xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka iyagoo ka walaacsan xiriirka dhaw ee uu la leeyahay Ruushka, waxayna xisbiga mucaaridka isku dayeen inay dib u dhigaan ansixintiisa, balse xisbi Xaakimka Jamhuuriga ayaa heystay codod ku filan oo ay ku ansixiyaan Wasiirkan.

Waxaa la saadaalinayaa in Mr.Tillerson uu ka shaqeyn doono sidii loo qaadi lahaa xayiraadii Dowladii hore ee Obama saartay wadanka Ruushka, maadaama shirkada uu horey madaxa uga soo ahaa ee Exxonmobil ay dooneyso inay heshiis shidaal oo ku baxaya 500 bilyan oo dollar la gasho dowlada Ruushka ee Vladimir Putin.

Comments are closed