DAAWO USA: Dowlada Trump oo hanjabaad u dirtay dalka IRAN – VIDEO

Michael-Flynn-740x496Mareykanka (estvlive) 02/02/2017

Dowlada cusub ee Maraykanka ee Donald Trump ayaa hanjabaadii ugu horeysay u dirtay xalay xukuumada Tehran.

Warkan kasoo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa waxaa saxaafada u akhriyey Lataliyaha Trump ee dhanka Amniga Gen. Michael Flynn ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu digniin u dirayo dowlada IRAN oo isniintii lasoo dhaafay tijaabisay mid kamid ah gantaaladeeda ridada dheer.

Hanjabaada kasoo baxday Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaan loo dul qaadan doonin weerarada ay wadaan kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen oo dhawaan weerar ku qaaday mid kamid ah Maraakiibta dagaalka ee Sacuudiga oo ay Maraykanka xulafo yihiin.

Faah faahin lagama bixin tilaabada ay dowlada Maraykanka qaadi doonto, balse lataliyaha Trump ayaa sheegay in tani ay tahay digniintii ugu horeysay, Gen. Michael Flynn ayaa diiday wax su’aalo ah inuu uga jawaabo suxufiyiinta ku sugnaa Aqalka Cad.

Gen. Michael Flynn oo loo magacaabay Lataliyaha dhanka Amniga iyo Waliba Xoghayaha cusub ee Gaashaandhiga Maraykanka Jim Mattis ayaa labaduba ah rag waagii hore u ololeyn jiray in Maraykanka duulaan ku qaado IRAN, Lataliyaha Trump ee Gen.Flynn ayaa sidoo kale ah nin si weyn u neceb Islaamka, isagoona buug uu horey u qoray ku tilmaamay diinta Islaamka cudurka Kanserka.

Waxaanse la ogeyn hanjabaadan inay tahay hirgelinta qorshihii ay weligood ku taami jireen ee duulaan ka dhan ah IRAN ama inuu yahay war lagu qancinayo Boqortooyada Sacuudiga oo ay xulafo yihiin.

Trump iyo Boqorka Sacuudiga Salman ayaa khadka telefoonka kuwada xariiray Axadii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay inay wada-hadlayeen muddo hal saac ah, arrimaha ugu waaweyn oo ay ka wadahadleen ayaa ahaa in tilaabo laga qaado dalka IRAN.

Wararka laga helayo dhinaca Maraykanka ayaa sheegaya in sidoo kale ka wadahadleen Trump iyo Salmaan dagaalada ka socda Siiriya iyo Yemen.

Comments are closed