Deeqdii Raashinka Ahayd Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadhay Degmooyin Kamid Ah Doolo Iyo Qoraxey

abat03Danood (estvlive) 02/02/2017

Sidaad wararkaanagii hore kula socoteen deeqdii raashinka ahayd ee uu xafiiska waxbarashada oo kaashanaya ,xafiisyada bahwadaagta la ah iyo ha’ayadaha caalamiga  gaadhsiinayeen qaarkamid ah gobolada deegaanka ee ay saamaysay abaarta ay isbadalka cimiladu keentay ayaa gaadhay degmooyinka daroor,marsin, iyo danood.

 

Hadaba deeqdan raashinka ah oo ay wadeen agaasinka taageerada Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha xafiiska waxbarashada DDSImudane Faysal Cabdinuur iyo agaasinka EMIS xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdiraxmaan Axmed Raabi ayaa sheegay inay deeqdan raashinka ee ay soo gaadhsiyeen degmooyinka daroor marsin, iyo danood,  looguna talagalay schoolada degmooyinka ay abaartu saamaysay islamarkaana laga duulayo si ayna uxidhmin schoolada ardayduna usamaynin loox tuur dhanka waxbarashada ah, Waxayna agaasimayaashu intaa ku dareen inay dhamaan raashinka ay wadeen sidii loogu talagalay u gaadhsiiyeen degmooyinkii uu qorshuhu ahaa in la geeyo.

Comments are closed