Dhakhaatiirtii Deegaanka Tigray U Soo Diray DDSI Oo Gaadhay wardheer

dol01Wardheer (estvlive) 02/02/2017

Dawlada deegaanka tigray ayaa deeqo aan kala’go lahayn soo gaadhsiiyeen bulshada DDSI ee ku dhaqan degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen, dhawaan ayay ahayd markii ay soo gaadheen xarunta DDSI dhakhaatiir gacan ka siin doona DDSI dhanka adeega caafimaadka Waxaana maanta gaadhay xarunta gobolka doolo ee magaalada wardheer gaar ahaan cusbitaalka wayn ee magaalada wardheer oo ah goobta ay ka hawlgali doonaan moddo ilaa sadex bilood.

 

dol02Hadaba dhakhaatiirtan oo ay soo direen deegaanka tigray ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka gobolka wardheer kuwa degmada iyada oo ay qaybaha kala duwan e bulshada abaaruhu saameeyeen ku farxeen dhakhaatiirtan ka socota walaalahooda dawlad deegaanka tigray, Waxayna dhakhaatiirtan ku sugnaan doonaan mudada sedexda bilood ah gobolka doolo.

Comments are closed