Khudbadihii musharixiinta xilka madaxweynaha oo maanta bilaabanaya

201722636215929291684180musharixiintakkkkkkkkkMUQDISHO (ESTVLIVE) 02/02/2017

Maanta oo Khamiis ah taariikhudna ku beegan tahay 02 bishan Feberaayo ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo daah furo khudbadaha musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo gaaraya 24 musharax.

Maanta ayaa waxaa baarlamaanka hortagi doona islamarkaana jeedinaya khudbado la xiriira wax qabadkooda haddii ay xilka ku guuleystaan ilaa siddeed musharax oo ka mid ah 24 musharax ee uu taagan in ay xilkan u tartamaan.

Liiska musharixiinta maanta khudbadaha jeedinaya waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka sii haya Xassan Sheekh Max’uud iyo madaxweynihii ka horeeyay Shariif Sheekh Axmed.

Khudbadahan ayaa sii socon doona ilaa maalinta Axad ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 05 bisha Feberaayo, iyadoo wixii intaa ka danbeeyana loo diyaargaroobi doono doorashada madaxweynaha oo ku beegan 08 bishan Feberaayo maalinta Arbacada ah ee nagu soo foolka leh.

 

Comments are closed