UHSI Ee DDSI Oo Dhalinyar Ku Wareejiyay Mashiinada Dharka Lagu Talo

dag22Jigjiga (estvlive) 02/02/2017

Ururka horumarinta somaalida itoobiya ee DDSI oo kaashanaya ha’ayada unicef dhalinyar deegaanka ah ku wareejiyay mashiinka dharka lagu talo islamarkaana tababar lagu siiyay sidii ay ugu shaqaysan lahaayeen.

 

dag11Hadaba munaasabadan dhalinta lagu gudoonsiinayay qalabkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta marwo Raxma Maxamuud Haybe, mareeye kuxigeenka ururka horumarinta soomalida itoobiya muadne Cabdulaahi Maxamed, gudoomiyaha maxkamada sare ee islaamka mudane sheikh Cabdiraxmaan, Xubno ka socday ha’ayada unicef iyo waalidiinta dhalinta laguwareejinayay agabka, waxaana ugu horayn kulankan ka hadlay Wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta marwo Raxma Maxamuud Haybe oo sheegtay in dhalinyartan lasiinayo mashiinadan ay ku tumid dadaalkii balaadhnaa ay xukuumadu ugashay sidii dhalinta deegaanka loogu abuuri lahaa shaqo abuur islamarkaana looga hortigi lahaa camal la aanta dhalinyarta tasoo ka ilaalinaysa falalka xunxun ee ay kamid yihiin balwadaha.

dag33Dhanka kale waxaa isana kulankan ka hadlay mareeye kuxigeenka ururuka horumarinta soomaalida itoobiya mudane Cabdulaahi Maxamed oo sheegay in dhalintan ay kala yihiin laba qaybood oo qaybna lasiiyay mashiinka dharka qaybna lasiiyay lacag ay ku shaqaystaan, Wuxuuna masuulku intaa ku daray in qaybta hada mashiinka lasiiyay doorka danbe lacag lasiindoona, Isagoo masuulku xusay in tababarkan agabka lagu gudoonsinayo dhalinta ay kamid tahay sidii kor loogu qaadilahaa dhalinta deegaanka si looga hortago fikirka cidhiidhyoon ee mashaqaystanidka iyo jahliga kasoo sabab u ah cadowgeena koobaad ee soboolnimadka.

dag55Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaarkamid ah dhalintii lagu wareejiyay mashiinada oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin agabkan iyo lacagta ay xukuumadu siisay islamarkaana ay ka faaiidaysan doonaan fursadan lasiiyay.

Comments are closed