Maraykanka oo u digay Woqooyiga Kuuriya

201723636217084259083025kooruyaMareykanka (estvlive) 03/02/2017

Xog-hayaha gaashaan dhigga Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in hadii Kuuriyada Woqooyi adeegsato hub Nukliyeer ah lagaga felcelin doono “go’aan adag oo meel mar ah” .

Mattis wuxu ka hadlayey Koonfur Kuuriya oo uu u tagay inuu mar labaad u xaqiijiyo taageerada Maraykanku u hayo dalkooda, ka dibna wuxu u sii duulay Tokyo.

Wuxu sidoo kale mar labaad caddeeyey qorsha ah in gantaalaha difaaca ee Maraykanka la dhigo Koonfur Kuuriya dabayaaqada sannadkan.

Tijaabooyinka is daba joogga ah ee gantaalaha iyo Nukliyeerka Woqooyiga Kuuriya iyo warbixinaha dhiifta leh ee ay soo saarto ayaa gobolka cadho iyo walaac ka abuuray.

Maraykana waxa ka jooga Koonfurta Kuuriya iyo Japan ciidamo xooggan oo joogitaankoodu qayb ka yahay heshiiskii gaashaan dhigga ee wadamadaasi la saxeexdeen Maraykanka dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida. Koonfur Kuuriya waxa fadhiya ciidamo Maraykan ah oo tiradoodu wax yar uun ka hoosayso 28,500 oo askari kuwaas oo Seoul ay bixiso ku dhawaad 900 milyan oo doolar oo qayb ka ah miisaaniyad sannadeedka ciidamadaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa hore u sheegay in uu doonayo in Koonfur Kuuriya iyo Japan labadooduba bixiyaan lacago dheeraad ah oo lagu dabbaro kharashka ciidamadaa ku baxa.

Pentagon-ka ayaa sheegay in Mattis booqashadan uga gol lahaa in uu mar labaad u caddeeyo Koonfur Kuuriya in maamulka Trump “ay ka go’antahay” in aanu ka bixin waajibaadkooda ah in ay “gaashaan bir ah” ku ilaaliyaan gobolka.

Isagoo ka hadlayey xarunta wasaaradda gaashaan dhigga Koonfur Kuuriya oo uu wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalkaas Han Min-koo, ayuu Mattis warfidiyeenka u sheegay “weerar kasta oo lagu soo qaado Maraykanka ama xulufadayda waanu fashilin doonaa, hadii la adeegsado hubka Nukliyeerka ah waxaanu kaga fal celin doonaa go’aan adag oo meel mar ah”.

Woqooyiga Kuuriya ayaa sannadkii hore fulisay tijaabadii shanaad ee Nukliyeer ah waxaanay sheegatay in ay awood u leadahay in ay weerar Nukliyeer ah ku ekayso Maraykanka in kasta oo khubaradu aanay ilaa haatan ku qanacsanayn in tiknoolajiyadeedu ilaa heerkaa hore u martay.

Ugu danbeyntii, waxay sidoo kale todobaadyadii la soo dhaafay sheegtay in samaysatay gantaalaha riddada dheer ee qaaradaha iskaga goosha oo gadhi kara dhulka Maraykanka.

 

Comments are closed