Shirkad-da Viber-ka oo adeeg wicitaan oo Bilaash ah siisay wadamada uu Trump xayiraad-da saaray

201723636217120033730148viberMareykanka (estvlive) 03/02/2017

Adeeg-ga Shirkad-da Viberka ayaa bilaash looga dhigay dadka uu saameeyay go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Maraykanka ,kaasi oo muwaadiniinta todobo wadan oo Muslim ah looga mamnuucay in ay gudaha u soo galaan Maraykanka.

Shirkad-da ayaa sheegtay in aysan wax lacag ah ku dalaci doonin wicitaanka dadka adeegsanaya adeeg-gan marka ay soo wacayaan eheladooda ku sugan Maraykanka ,waxaana ay noqonaysaa shirkad-dii ugu horeysay oo talaabadan ku dhaqaaqda.

 

Macaamiisha adeegsada viberka ayaa markii hore awood u lahaa in ay iska dhex-wacaan adeeg-gan oo kaliya , balse waxaa hadda ogolaansho loo siiyay in ay toos u waci karaan lambarada guryaha iyo taleefanada gacanta ee Maraykanka.

“Waxaan isku xirnaa dadka, annaga oon dan ka galayn cid-da ay yihiin iyo halka ay ka soo jeedaan  “ ayaa lagu yiri war-kooban oo shirkad-du ay ka soo saartay go’aanka Madaxweyne Trump ,isla markaana taageero loogu muujinayay wadamada xanibaad-da la saaray.

“Iyada oo la tixraacayo dhacdooyinkii wadankan ka jiray , waxaa hadda si bilaash ah isku waci kara Maraykanka ,Syria ,Iraq ,Iran ,Libya ,Somalia ,Sudan iyo waliba Yemen , sidaa darteed qof kasta waxa uu wici kara cid-da uu jecel-yahay “ ayaa mar kale lagu yiri –warka ka soo baxay Viber-ka.

Ugu danbayn ,Go’aankan uu soo rogay Donald Trump ayaa kamid ahaa balan-qaadyo dhowar ah oo u sameeyay markii uu musharaxa ahaa ,waxaana arintan siyaabo kale duwan u canbaareeyay qaar kamid siyaasiyiinta caalamka oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka.

 

Comments are closed