DAAWO EU: Midowga Yurub oo xeryo Qaxootiga ka dhisaya Liibiya – VIDEO

euMalta (estvlive) 04/02/2017

Hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maalgeliyaan xeryo qaxooti oo laga dhiso gudaha wadanka Liibiya, si hoos loogu dhigo tirada qaxootiga ka imaanaya qaarada Afrika.

Go’aankan ayaa laga soo saaray shirka Madaxda EU-da uga socda Malta, waxaana la sheegay in wadanka Talyaaniga uu noqday kan ugu horeeya ee lacagta ugu deeqay mashruucan.

 

Mashruucan ayaa la filayaa inay ka wada shaqeeyaan Midowga Yurub iyo hay’adaha qaxootiga qaabilsan ee UNHCR, waxaa sidoo kale qeyb ka ah in dhaqaale loogu deeqo wadamada ay ka yimaadaan dadka qaxootiga ah si looga hortago Tahriibta.

Comments are closed