DAAWO USA: Garsoore Laalay Xayiraadii Trump ee Muslimiinta – VIDEO

garsoorMareykanka (estvlive) 04/02/2017

Garsoore Maxkamada Federaalka ee Gobalka Washington State ayaa saacado kahor laalay Wareegtadii Madaxweynaha Maraykanka ee xayiraada lagu saaray socdaalka muwaadiniinta Muslimiinta ah ee kasoo jeeda 7 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Xaakimkan lagu magacaabo James Robart ee Maxkamada Seattle ayaan go’aankiisa sheegay inuu ka dhaqan galayo guud ahaan dalka Maraykanka, arrintaasi oo aan horey looga baran Garsoorayaasha heer Federaalka oo inta badan xukunadooda ku kooba gobalkooda oo kaliya. Go’aankan waxaa sidoo kale taageeray Dowlada Gobalka Washington State.

 

Wareegtada Donald Trump uu soo saaray Jimcihii hore ayuu Garsooraha ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo ka horimaanaya Dastuurka Maraykanka, wuxuuna amar ku bixiyey hay’adaha dowlada inay u hogaansamaan amarkan Maxkamada.

Go’aankan ayuu kadis ku noqday Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka oo sheegay inuu racfaan ka qaadanayo go’aanka kasoo baxay Maxkamada gobalka Washington State, balse hay’adaha socdaalka iyo Airporada Maraykanka ayaa amar lagu siiyey inaysan horjoogsan Karin dadka heysta Fiisyooyinka (VISA) kahor xayiraadii Trump.

Arrintan ayaa u muuqata dagaal sharciyadeed oo ka dhex bilowday Maxkamadaha Maraykanka iyo Xukuumada Trump oo si weyn isaga soo horjeeda. Horey ayuu Garsoore kale oo ku sugan gobalka New York u joojiyey xayiraada la saaray Muslimiinta balse go’aankaasi oo ku koobnaa gobalka New York ayaa ahaa mid kumeel gaar ah.

Hase yeeshee Garsooraha Jimcihii shalay go’aankan cusub soo saaray ayaa fursad cusub siineysa dadkii horey looga horjoogsaday inay tagaan Maraykanka oo qaarkood ku xaniban dalal kala duwan oo ay Transit ku ahaayeen.

Comments are closed