Mucaaradka Kenya oo dalbanaya in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya

201724636217689689606376Kenya-696x509kkkkkkkKenya (estvlive) 04/02/2017

Waxaa jira fariimo iyo baaqyo is daba joog ah oo ka soo baxay xisbiyada mucaaradka dalka Kenya oo ka dalbanaya xukuumada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saarto Soomaaliya ciidamada ka jooga ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xoghayaha xisbiga Demoqaraadiga dalka Kenya Jacob Xaaji ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenytta in uu dib ugu waco sida uu hadalka u dhigay ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in weerarkii dhawaan lagu qaaday ciidamadda Kenya ee deegaanka kulbiyoow ee u dhow xuduudda labadda wadan 27 kii Bishii la soo dhaafay ay dad badan ka argagexeen islamarkaan uu shaki galiyay awooda ciidamadda Kenya ay u leeyihiin in ay howlgalkooda dhameeystiraan.

Afayeenka ciidamadda Military-ga Kenya gaashaanle dhexe Paul njuguna ayaa horay u sheegay in sagaal askari oo kaliya laga dilay ciidamadda Kenya markii Al-shabaab ay weerareen fariisinkoodii.

Ugu danbeyntii, qaar ka mid ah askartii ka badbaaday weerar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la dilay 68 askari oo ka tisanaa ciidamada Kenya ee waqtigaa ku sugnaa xerada Kulbiyoow.

 

Comments are closed