Xaakim Mareykanka ah oo is hortaag ku sameeyay go’aankii Donald Trump

201724636217651478097514xaakimMareykanka (estvlive) 04/02/2017

Dalka Mareykanka Xaakim heer federaal ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dadkii imanayay 7 dal oo muslim ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.

Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan degdeg ah ka qaadato xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.

Ugu danbeyntii, maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

Comments are closed