Cali Khaliif Galeyr oo leyska hortaagay in uu ka dhoofo magaalada Buuhoodle

gleydhBuuhodle (estvlive0 05/02/2017

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu waramayaa in maanta leyska hortaagay in uu ka dhoofo magaalada Buuhoodle isaga oo ku sii jeeday dalka Jabuuti.

Dad ku sugan Boohoodle ayaa BBC u sheegay in dhawr saacadood ay xiisadi ka jirtay garoonka diyaaradaha Buuhoodle kaddib markiii ciidan uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Cabdifataax Baydan oo la sheegay in uu yahay taliyaha ciidamada difaaca Buuhoodle ay iska hortaageen Cali Khaliif inuu ka dhoofo garoonka.

Taliyaha ciidamada difaaca Buuhoodle Cabdifataax Baydan ayaa BBC u sheegay in diyaaraddii ay sii daayeen, Cali Khaliif-na ay ka reebeen in uu u raaco diyaaradda Jabuuti oo uu kaga qayb geli lahaa sida uu sheegay wadahadallo u socday Khaatumo iyo Somaliland ,wadahadalladaasi oo uu sheegay Taliye Baydan in aan Cali Khaliif ku meteli karin dadka deegaanka Buuhoodle.

Ugu danbeyntii, ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

 

Comments are closed