Dhug gaar ah oo loo yeelanayo taliyeyaasha AMISOM ayadoo ciidamo badan uga le’anayaan Soomaaliya

201725636218638428567412201725636218556663641842KDF diesKenya (estvlive) 05/02/2017

Dhug gaar ah ayaa loo yeelanayaa il gaar ahna waa lagu eegayaa taliyeyaasha AMISOM ayadoo ciidamo badan uga le’anayaan Soomaaliya ciidamada hawlgalka AMISOM.

 

Waa faalo lagu qoray maanta bogga wararka ee wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa.

Ciidamada KDF taliyeyaashooda sarsare ayaa il gaar ah lagu eegayaa kadib weerarkii labaad ee cuslaa ee lagu qabsado xero ay KDF ku leeyihiin Soomaaliya. Sidaa waxaa maanta lagu qoray bogga wararka ee Daily Nation.

Sidoo kale ayaa waxaa il gaar ah lagu eegayaa dawrka KDF ay ku leeyihiin AMISOM.

Laga soo bilaabo markii ciidamada Kenya loo diray Soomaaliya oo ahayd sanadkii 2011 ayaa ciidamo iyo dad rayid ahba waxaa Kenya ka laayay ciidamada xarakada al-Shabaab gudaha Soomaaliya iyo Kenyaba.

Weerarkii ugu ba’naa ee dad rayid ah looga laayo Kenya wuxuu ahaa kii suuqa Westgate ee Nairobi sanadkii 2013.

Waxaa sidoo kale jiray kii xarakada al-Shabaab ay ku qaaday jaamacada Gaarisa 2015.

27kii Janaayo ayaa KDF askar waxaa looga dilay dagaalkii Kulbiyow sida Daily Nation maanta lagu xusay in ka badan100 askarina weerarkii Ceelcadde.

Dad u dhuun duleela arimaha siyaasada ayaa iminka sheegaya in dagaal kasta oo KDF wax ka soo gaaraan uu keenayo in ciidamadaa hoggaankooda wax lagu tilmaamo ama lagu tilmaamo in wax ku oolnimadiisa ay wax ka dhimman yihiin.

Dagaalkii Kulbiyow ayaa dhaliyay in su’aal laiska weydiiyo in KDF hoggaankeedu wax casharo ah ka bartay weerarkii Ceelcadde, sida hadalka loo dhigay.

‘Miyuu ahaa arin kusaabsan istaraatiijiyad, talis ama fulin?’ Sidaa waxaa sheegay ammaanka ninka ka faalooda ee lagu magacaabo Joseph Gachie.

Dhan kale weerarkii Kulbiyow kadib ayaa waxaa mucaaradka Kenya ay dalbeen mar kale in Kenya ciidamadeeda ay kala soo baxdo Soomaaliya gudaha dalkoodana ay ammaanka ka adkeenyaan.

 

Comments are closed