Feysal Cali Waraabe oo la dardaarmay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya

faysaHargeysa (estvlive) 05/02/2017

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xildhibaanadda Soomaaliya kula dardaarmay inay u codeeyaan musharaxa daacad ah oo maamuli kara Soomaaliya.

Sidoo kale, Faysal waxa uu ka hadlay wada hadalkii u socday Khaatumo iyo Somaliland iyo xulista musharaxa madaxwene ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu ku wareejin doono wasaaradaha haddii uu helo doorashadda soo socota.

Faysal Cali Waraabe oo doorashooyinka Soomaaliya ka hadlya waxa uu yidhi “waad ogtihiin xaaladda Soomaaliya, maanta doorasho galayaan, doorashadaasi waxay u bixiyeen mid dadbad, laakiin waa mid khaldan, 51 qof ayaa la yidhi xildhibaankay u codaynayaan kii lacag badan ayaa wada iibsanaya oo soo baxaya, afartan iyo labaatan ayaa u ordaya madaxweynenimo Soomaalia, waxay sameeyeen guri sare oo ku fadhiya dawlad goboleedyo, gurigaasi ma leh sharci, dawlad goboleed dhisan oo madaxa ka nool ma jirto marka laga reebo maamulka Puntland mooyee, waxa doorkan doorashadda gacan kula jira dawladdo kale oo farogalin ku haya.”

“ waxaan leeyahay xildhibaanada madaxweynaha dooranaya ilaahay ka baqda oo lacag ha siisanina mustaqablak dadka aad sheeganaysaan inaad matashaan, mid walba taariikhdiisa dib u eega, Xasan sheikh afartii sanno muxuu qabtay, markii hore muxu hanti lahaa imika waxa uu hanti leeyahay, Sheekh Shariif markii hore muxuu qabtay, Farmaajo mar buu Ra’isal wasaare ahaa muxu qabtay la xisaabtama, waa in aan hurgurigiinu idin wadin ee damiirkiinu idin wadaa, iyo aakhiradiina, haddii aanu UCID nahay inay halkaasi dad nadiif ahi ka soo baxaan oo aanu wada hadalkii noo dhexeeyey lafurno ayaanu rabnaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo la dardaarmayey xildhibaanadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanadda Somaliland matalaya inkastoo aanay matali Karin hadana wadaagaan magaca, waxaanu kula dardaarmay in codkooda siiyaan qof wanaagsan “waxaan leeyahay xildhibaanadaasi sheeganaya Somaliland inakastoo aanay na matalin dee magaca way nala wadagaanaan waar qof fiican ku caawiya codkiina, iyagan wax u taraya anaga la wada hadli karno si aanu u kala baxno, musharaxiintani waxan ay haystaan waa lacagtiina ee tabtayada isticmaala oo ka cunno oo ka codeeya waa hantidiiniiye, anaga waxaanu nidhaahnaa marka ololaha ku jirno ka lacagta bixiyaa dadweynow ka cuno oo ka codeeya sidaas oo kale u dhaqma”

Dhinaca kale, mar uu ka hadlayey wada hadalkii Somalilnad iyo KHaatumo udhexeeyey waxa uu yidhi “reer KHaatumo waa dad wanaagsan inaga wax inaga khaldanayaan, in Buuhoodle oo gobolka Togdheer ka tirsan in aynu maamulkeena gaadhsiin kari wayno khalad bay ahayd wayna hagranay, waana la soo gabogabaynayaa waxaana u hambalyeynayaa Prof Cali Khaliif Galaydh oo hormood u ahaa waxana rajaynayaa in Isniinta ama Salaasadda go’aamo ka soo saarno,marka waa in mucaawimadda boqolkiiba lixdan loo badiyo oo la gaadhsiiyo marka abaartu inaga baxdo”.

Sidoo kale waxa la waydiiyey goorta uu soo xulayo musharax madaxweyne ku xigeenkiisa, waxaanu yidhi “waanu ka fiirsanana waxaana rabnaa qof wanaagsan oo ilaahay ka baqaya, waxaana doonaynaa in madaxweyne ku xigeenka ku wareejino wasaaradaha oo dhan oo aanu noqon mid meel uun iska fadhiya, wuxu u shaqaynaya sidii Ra’isal wasaaraha oo kale, anigu waxaan la soo hadhayaa uun wasiirka Arrimaha dibadda iyo wasaaradda Difaaca oo kaliya inta kale wasaaradaaha isaga maamulaya, marka waxan doonaynaa nin waxaasi oo dhan maamuli kara”.

 

Comments are closed