Guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Galmudug oo leyska hortaagay in uu Cadaado tago

cadaadoCadaado (estvlive) 05/02/2017

Ciidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu waramayaa in ay maanta hor istaag ku sameeyeen in uu gaaro magaalada Cadaado guddoomiye ku-xigeenka koowaad baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeeyay arintan madaxweynaha maamulka Cabdikariin Xusseen Guulleed oo sida uu hadalka u dhigay ciidamada amar ku siiyay in aysan xildhibaannada dib ugu laaban degmada Cadaado.

”Xildhibaannada waxaa ay ka kooban yihiin 14 xildhibaan iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad, waxaan hadda ku soo laabanay oo aan joognaa garoonka diyaaradaha Muqdisho” ayuu yiri Feysal Axmed Cabdulle.

Diyaaradii sidan guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed ayaa la sheegay in markii danbe ay dib ugu laabatay magaalada Muqdisho.

Inkastoo xildhibaannada safarka ku wehlinayay guddoomiye ku-xigeenka arintan ku eedeeyay madaxweynaha, haddana lama oga sababta rasmiga ah ee loogu diiday xildhibaannadan in ay tagaan Cadaado.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed ayaa shir guddoomiyay kulan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug kalsoonida kala noqdeen Cabdikariin Xusseen Guulleed taasoo abuurtay qalalaase siyaasadeed.

Ugu danbeyntii, ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kale saraakiisha amniga maamulka Galmudug oo ku saabsan sababta xildhibaannada loogu diiday in ay tagaan magaalada  Cadaado.

f

Comments are closed