Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo Maanta u Dhoofay magaalada Muqdisho

201725636218855275424001ffaroleGaroowe (estvlive) 05/02/2017

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta galinkii hore ka dhoofay magaalada Garowe ,isaga oo ku wajahan magaalada Muqdisho ,waxaana safarkiisa oo aan horey loo sii shaacin ku wehliya xubno ka golaha wasiirada.

 

Wafdigan ayaa la sheegay in Puntland ay goob-joog uga noqon doonaan doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo ,taasi oo ay ka qayb-galayaan 23 musharax oo ay ku jiraan Cumar C/rashiid iyo Cali Xaaji Warsame oo ka soo jeeda Puntland.

Madaxweynaha ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay wafdi ka socday dowladda Itoobiya ,kuwaasi oo socdaal dhanka dhulka ah ku yimid Puntland,lamana hayo xog dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabahii diirad-da lagu saaray shirkan dhex-maray labada dhinac.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo dalbaday in aan la shaacin magaciisa ayaa sheegay in kulankaa looga hadlay arimo ku saabsan doorashada Somaliiya , xilli dowladda Itoobiya ay galaan-gal hoose ku leedahay arimaha doorashooyinka sida ay sheegeen qaar kamid ah musharaxiinta u tartamaya doorasahada dalka.

Puntland oo kamid ah maamul goboleed-yada ka jira Somalia ayaa dhowr jeer oo kala duwan xiriirka u jartay dowlad-dii madaxweyne Xasan Shiekh ,waxaan wafdiga Puntland ka socda uu kulamo la qaadan dooona xildhibaanada Puntland u matalaya labada aqal.

Ugu danbayn, Amniga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la adkeeyay ka hor doorashada oo la filayo sideed-da bishan  ay dhacdo ,iyada oo magaalada ay ku sugan-yihiin koormeerayaal caalami ah oo doonaya in ay goob-joog ka noqdaan doorashada.

 

Comments are closed