Munaasabad Lacag Boqol Milyan Oo Kun Oo Birr Ah Lagu Siiyay Eheladii Dadkii Ku Shihiiday Nidaamka

lac00Jigjiga (Jigjiga ) 05/01/2017

Munaasabad ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Kabaneega Deegaanka, Odayaasha Deegaanka, Agaasimayaasha, Heerarka kaladuwan ee shaqaalaha, islamarkaana ujeedadiisu ahayd lacago la siinayay eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka oo ay ugu horeeyaan ciidanka gaarka ah ee liyuu policeka, maalisiyada, policeka, iyo maamulka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Kaali.

 

lac02Hadaba munaasbadan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in lacag cadadkeedu dhanyahay boqol milyan oo kun oo birr oo ay shaqaysay shirkada agoonta lasiinayo eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka oo ay ugu horeeyaan ciidanka gaarka ah ee liyuu policeka, maalisiyada, policeka, iyo maamulka , Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudary in lacagta lagu qaadnayo nidaamka bakhtiyaanisiibka islamarkaana ay kala yihiin 5 darajo oo kala ah darajada 1aad, 800,000 (sideed boqol oo kun) ilaa 1,500,000 (hal milyan shan boqol oo kun oo birr), Darajada 2aad 400,000 (afar boqol oo kun oo birr) ilaa 1,000,000 (hal milyan oo birr ) darajada 3aad 200,000 (laba boqol oo kun oo birr) ilaa 500,000 (shan boqol oo kun oo birr) darajada 4aad 100,000 (boqol kun oo birr) ilaa 500,000 (shan boqol oo kun oo birr) iyo darajada 5aad 50,000 (konton kun oo birr) ilaa 500, 0000 (shan boqol oo kun oo birr.)

lac01Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana aysan halkan kusoo koobi Karin farxadooda, Waxayna intaa ku dareen inay ku mahadsanyihiin xukuumada iyo XDSHSI oo mar walba utaagan ka jawaabida baahida shacabka oo uu mid walba meeshiisa kaga warhayo.

Sikastaba ha ahaatee munaasabadan lacagta lagusiinayay eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka ayaa kusoo dhamaatay jawi fiican iyadoo ay dhamaan eheladii dadkii ku shihiiday nidaamka ay gacantooda ku wada qaateen bakhtiyaanasiibka lacagta loogu tala galay.

Comments are closed