Qaxooti Suuriyaan ah oo Isniinta beri ah lagu wado in la geeyo Mareykanka

201725636218611308736436201725636218567894206817syrinaMareykanka (estvlive) 05/02/2017

 

 

Kadib markii maxkamadi gaashaanka u daruurtay amarkii sare ee kasoo baxay madaxweynaha cusub ee Mareykanka ee uu ku joojinaayay qaxootiga tobodo dal oo Muslimiin ah oo Suuriya iyo Soomaaliya ay kujiraan ayaa beri oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in qaxooti Suuriyaan ah dalka Mareykanka la geeyo.

 

Sideedii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa amarkaasi walaac ka dhex abuuray qaxootiga dalalkaa oo meelo kala duwan caalamka ka jooga kuwaasoo gali lahaa Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Jimcihii aanu soo dhaafnay ayaa mamnuucida si ku meel gaar ah loo qaaday kadib markii xaakim ka tirsan dawlada federaaliga ah ee Mareykanku joojiyay amarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu ku joojinaayay qaxootiga dalalkaas oo shaqeyn lahaa muddo 120 cisho ah.

Agaasimaha Mashruuca Caalamiga ah ee Caawinta Qaxootiga  Becca Heller ayaa tiri, “sii wadidda dagdagga ah ee Barnaamijka Dib-udejinta Qaxootiga ee Mareykanku waa in qaxootiga ugu nugul laga soo saaro dhibaatada.”

Si kastba ha ahaatee, qaxooti Soomaali ah oo ku nool Kenya ayaa inay Mareykanka u socdaalaan loo diiday kadib 10 sano markii ay sugayeen safarkaa.

Ilaa 140 qaxooti Soomaaliyeed ah oo dib u dejin awal lagu waday inay asbuucaan ka helaan Mareykanka ayaa waxaa joojiyay amarka madaxweyne Donald Trump.

Kadib markii ay duulimaadyada u yimaadeen Nairobi ayaa waxaa dib loogu ceshay xeradii qaxootiga ee ay kunoolaayeen. Sidaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay mid ka mid ah qaxootiga shalay Sebtidii.

Si kastaba ha ahaatee, ma caddeyn sababta loo celiyay ayadoo amarkaa lagu joojiyay diidmada maxkamadeed.

Dadkaa ayaa ka hor intii aan xeryaha lagu celin duulimaadka ku sugaayay xerada IOM ee Nairobi.

IOM wax tafaasiil ah oo dheeraad ah oo dib u dhaca kusaabsan lagama helin.

‘Sidee dareemi lahayd hadii maalin un aad asxaabtaada nabadeey tiraahdo, aad nabaadiino u rajeyso tilaabada xigtase laguu sheego inaad ku laabato meeshii aad wax kasoo bilowday’. Sidaa waxaa yiri Nadir Xassan oo 28 sano jir ah.

Wuxuu Nadir qaxootigaa xerada loo ooday ee gudaha Kenya ku sugaayay dib u dejinta Mareykanka muddo toban sano ah.

Halka mustaqbalka qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya kunool uu ku dambeyn doono ayaan wali iyana caddeyn maadaama dawlada Kenya ay sheegtay inay ka go’an tahay in ay xidho xeryaha Dhadhaab.

 

Comments are closed