Roobab lixaad leh oo ka hooray Sanaag ayadoo ay jireen abaaro ba’an Somaliland iyo Soomaaliyaba

sanaagCeerigaabo (estvlive) 05/02/2017

Roobab lixaad leh ayaa shalay galinkii dambe ka hooray Sanaag ayadoo ay jireen abaaro ba’an Somaliland iyo Soomaaliyaba qeybo badan oo ka tirsan.

 

Meelaha roobabku ka da’een ayaa waxaa kujira Ceerigaabo iyo dhul xeebeedka baahsan ee gobolka Sanaag. Roobabkaa ayaa biyo dhigay dhulal baahsan gaar ahaan meelo abaar ba’ani ku dhufatay oo xoolo badan ay ku le’deen.

 

Dhanka kale, ilaa daraad ayaa roobab mahiigaan ah laga soo sheegayay inay ka da’ayeen qeybo aad u badan oo ka tirsan gobolkaasi Sanaag.

sanaag1Roobku mar dhow ayuu curtay; roob wanaagsan ayaa xagga bariga nagaga yimid. Anagu Dagaar baanu naalaa. Roob wanaagsan ayaa na helay anaga maashaaAllah. Waan ku nimcownay ayadoo markii hore xaaladu ay xumeyd’. Sidaa waxaa talefishinka maxaliga ah ee Star TV u sheegay mid ka mid dadka deegaanka ah ee kusugan Dagaar.

‘Anaga oo xaaladu nagu adag tahay oo biyo la’aan iyo abaar ay isugu kaayo darsantay oo xooluhu baqtiyayaan oo xaaladu diiqad ay nagu tahay ayaa Alle ayaa mahad lehe uu Alle roobka keenay’. Qof kale oo deegaankaa madharku helay daggan ayaa sidaa yiri.

 

Roobka ka hooray Ceerigaabo ayaa da’ayay muddo 30 daqiiqo ah.

Deegaanada kale ee gobolkaasi Sanaag ee roobabku ka da’een ayaa waxaa kujira Dararweyne, Kulaal, Laasosurad, iyo Karamaan.

Inkastoo aysan aad mahiigaan u ahayn roobab kale ayaa laga soo sheegay deegaanka Laas Qoray iyo deegaanka Ceel Afweyn.

 

Comments are closed