Al-shabaab oo afar ruux ku toogatay degmada Jamaame ee gobollka Jubbada hoose

201726636219410028249873alallJamaame (estvlive) 06/02/2017

Wararka naga soo gaaraya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab galinkii danbe ee maalintii shalay maal fagaaro ah ku toogteen afar dhalinyarro ah oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen maamulka Jubbaland.

Ragga dhalinyarrada ah oo ay Al-shabaab dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/llaahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.

Maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab ayaa sheegtay in  raggan lagu hellay dhamaanba danbiyadii lagu soo eedeeyay, taasoo ku riday xukun dil ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan toogta ama howraca dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ama kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM .

Marar badan oo hore ayeey sidan oo kale meel fagaaro ah ku toogteen dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay basaas yihiin.

 

Comments are closed