Dab baabi’iyay suuqii ugu weynaa xeryaha Dadhaab ee gobolka W/bari

dabDhadhaab (estvlive) 06/02/2017

Wararka ka imanaya xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in xalay dab xoogan uu ka kacay suuqii ugu weyn ee xeryaha Dhadhaab ee ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, dabkaasi oo baabi’iyay dhamaan goobihii ganacsiga Suuqa Dhadhaab ee xeryaha qaxootiga.

Dabkaan ayaa ka dhashay sida dadka ay sheegeen Koronto, waxaana sii xoojiyay dabka dhismooyinkii ganacsiga oo markii horeba ka sameysnaa Jiingado iyo cooshado in uu dabka baabi’iyay.

Qof ka mid ah ganacstada suuqa xeryaha Dhadhaab, ayaa warbaahinta u sheegay in gabi ahaanba goobtiisa ganacsi ay bas beeshay oo aysan jirin wax uga badbaaday, marka loo eego sida dabka uu u sameeyay.

“Dabka waxaa uu ahaa mid xoogan oo dhamaan goobaha ganacsiga baabi’iyay, aniga goobteya ganacsi waa ay gubatay waxba kama harin, dhibaato waaye meeshaan dab damis malahan.” ayuu yiri nin ka mid ah ganacsatada suuqa xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.

Suuqa gubtay ayaa waxaa lagu iibin jiray ganacsiga kala duwan, sida qudaarta, dharka iyo maacuunta, wuxuuna ahaa suuqa ay ku tiirsan yihiin adeegiisa dadka ku nool xeryaha Dhadhaab.

Ugu danbeyntii, xeryaha Dhadhaab malahan wax dab damis ah, sidoo kalena waxaa la sheegay 20 ruux oo ganacsatada ka mid ahaa in dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen dabkaasi suuqa Dhadhaab ka kacay.

 

Comments are closed