Doodda musharixiinta oo maanta dhaceysa iyo labo kooxood oo loo kala qeybiyay

2017266362193998140049512nd_CandidatesllllllMuqdisho (estvlive) 06/02/2017

Maanta oo Isniin ah waxaa loo balansan yahay in ay dhacdo doodda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay dooddan baaqatay 31bishii Janaayo sababo la xiriira Internet –ka oo waqtigaa hawada ka maqnaa.

Guddiga qabanqaabada doorashada xilka madaxweynaha ayaa soo saaray jadwalka habka iyo sida ay u dhaceyso dooda, iyaga oo labo kooxood u kala qeybiyay musharixiinta ka qeyb-gali doonta.

Shalay ayay aheyd markii la soo gaba gabeeyay dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta ay ka hor-jeedinayeen Baarlamaanka, taasoo socotay muddo saddex maalin.

Hadaba hoos ka akhriso sida loo kala saaray musharixiinta :

Laga bilaabo maanta ilaa laga gaaray maalinta doorashada oo ku beegan Arbacada nagu soo foolka leh 8da bishan musharixiinta xillka madaxweynaha waxaa ay galin doonaan ololihii ugu adkaa oo ay ku raadinayaan taageerada xildhiibaannada labada aqal.

 

Comments are closed