Jaaliyada Khaatuma ee gobolka Ohio oo u dabaal dagay sanadguuradii 5aad

201726636219453526653212IMG_0228_1Ohio (estvlive) 06/02/2017

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ee Maamulka Khaatumo ayaa habaynimadii xalay u dabaaldagay sanadguuradii  5aad ee Mamulka Khaatumo State of Somalia.

201726636219452980477838IMG_9929Waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin iyo wasiiro ka tirsan Khaatumo State Of Somalia iyo dad weyne aad u badan oo reer Columbus ah iyada oo ay ka Heesayeen Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayeen Boqol, Hodan C/rixman, Safiyo Tusmo iyo kuwo kale oo badan.

201726636219453376939027IMG_0160Masuuliyiintii ka socday Khaatumo ayaa xusay ahmiyada midnimada Soomaaliya u leedahay qaranimada, iyo in la helo hanaan dowladeed oo cadaalad ku salaysan iyada oo laga fikirayo qaladaad si shaqsi ah loo galo in aysan dhicin isla markaana la raadiyo jiritaankii Soomaali mid ah.

201726636219453788050522IMG_9987Waxay aad walaac uga muujiyeen hanaanka Dhismaha maamulada dalka oo aysan dowladii xiligeedu dhamaaday si cadaalad ah uga shaqeyn dhamaystirka Maamulo ku dhisan Awooda shacabka iyo deegaanka.

201726636219451237000138IMG_3016Xaalada Abaaraha dalka ka jira ayay xuseen in ay tahay mid aad u daran una bahan gurmad qaran iyo mid Caalami ah, iyaga oo Alle uga baryay in uu dadka Abaaraha ka saaro oo uu Madar qeyr qaba siiyo.

201726636219452042511129IMG_0254Xaflada oo laga qaaday Heeso Wadani ah, Gabayo, iyo sugaan kala gadisan waxay ahayd mid aad u soo jiidatay ka soo qeybgalayaasha.

 

Comments are closed