Kursigii aqalka hoose ee Jubaland ee ku celiska ahaa oo la doortay iyo Musharax dhaliilay natiijada

jubbalandMuqdisho (estvlive) 06/02/2017

 

 

 

Doorasho maanta ka dhacday hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa mar kale dib loogu doortay Cabdullaahi Max’ed Aadan Saacir oo horay gudiga xalinta khilaafaadka u qaadaceen natiijada doorashadiisii hore.
Doorashadan waxaa qaadacay oo aan ka qeyb-galin wasiirka batroolka Max’ed Mukhtaar Ibraahim oo qaadacay kadib markii sida uu sheegay goobta la geeyay ergo aan aheyn jifadii laheyd kursigan, taasoo keentay in uusan ka qeybgalin doorashada.

Wasiirka Macdanta iyo batroolka dowladda Soomaaliya Max’ed Muqtaar Ibraahim  oo ay la xiriirtay shabakadda Warbaahinta ayaa sheegay in uusan ku qanacsanayn habka ay u dhacday doorashada, isagoo sheegay in ay ahayd hab musuqmaasuq ah.

“Doorasho ma ahayn waxa maanta dhacay, ergada codeeysayna ma ahayn kuwo u dhashay beesha, runtii waxay ahayd mid khilaafsan nidaamka doorashooyinka dadban ee dalka,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in uusan ka qeybgalin tartankii maanta oo uu xusay in uu ahaa mid u dhacay hab cadaalad darro ah, isagoo xusay in cabashadiisa uu u gudbiyay gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, uuna ka war sugayo.

“Cabashadeeyda gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka ayaan u gudbiyay, ayaga ayaana ka warsugayaa, waxayna ii sheegeen in ay go’aan ka soo saari doonaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Dhinaca kale, Shabakadda Warbaahinta waxay la xiriirtay gudoomiyaha guddiga doorashoyinka dadban ee heer federaal Mudane Cumar Max’ed Cabdulle (Cumar Dhageey), ayadoo aan wax ka weeydiinnay arintan, waxa uu sheegay in goobta ay doorashada ka dhaceeysay ay ku suganyihiin xubno ka socday guddiga doorashooyinka heer federaal, kuwaa oo la filayo in ay gaaraan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in habka ay u dhacday doorashada ay wax ka weeydiin doonaan guddigaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xubnaha ka socday federaalka ay Kismaayo u tageen in ay goobjoog ka noqdaan hannaanka ay u dhaceeyso doorashada kursiga ku celiska ah ee Jubaland, isagoo xusay in kadib markii ay warbixin ka helaan ay shaacin doonaan go’aankooda.

Kursigan ayaa kamid ah 11 kursi oo ay soo celiyeen gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka, kuwaa oo lagu eedeeyay in lagu soo doortay hab musuqmaasuq ah.

Comments are closed