Trump oo amray in la baaro dadka soo gallaya dalka Mareykanka

trupmMareykanka (estvlive) 06/02/2017

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar cusub saraakiisha xuduudaha faraya inay si adag u baaraan dadka galaya dalka, xili uusan wali shaqaynaynin go’aankii uu dhinaca socdaalka ee uu soo rogay.

Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan mid adag, ayna iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii ay dhibaato ka dhacdo Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa si weyn u cambaareyay xaakimka James Roper tee oo is hortaagay go’ankiisa, wuxuuna sheegay inu rumeysan la’yahay in xaakim uu dalka gelin karo xaalad qatar ah.

Waxaa uu ugu hanjabay in haddii ammaan darro dhacdo uu isagu masuuliyadda qaadi doono, sharcigana la soo taagi doono.

Maalintii sabtida ayay maxkamadda Racfaanka faderalka waxay ku gacan seyrtay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaaalka ee uu saaray dalalka qaar.

Ugu danbeyntii, Xanibaadan oo saameyneysay dadka ka imaanayaa toddobo dal oo muslim ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay xaakim Mareykan ah taasoo ka dhigan in amarkii Trump hakad la geliyay, iyadoo dadka wata dal-ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraaq, Suuriya, Iran, Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday inay soo galaan Mareykanka.

 

Comments are closed